Wednesday, June 25, 2025

Ma-gafe Soomaali caan ah oo lagu qabtay K/Suudaan lana keenay Muqdisho [Akhriso]

Nin ka mida madaxda dadka tahriibiya oo Soomaali ah ayaa lagu qabtay dalka Konfurta Suudaan, iyadoo laga soo dejiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa la sheegay in muddo dheer lagu daba jiray, waxaana ugu danbeyn gacanta ku dhigtay ciidamada dalka Koonfurta Sudan, waxaana arrintiisa gacanta ku hayay Booliska adduunka ee Interpol, Booliiska Koonfurta Suudaan.

Ma-gafaha Soomaaliga ah ee la soo qabtay ayaa magaciisa  lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle, waxaa kaloo lala qabtay saddex nin oo la shaqeyn jirtay oo ku sugan magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Sudan Mudane Xuseen Xaaji ayaa sheegay  in dadaal badan kadib lagu lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo C/qaadir Cumar C/lle oo ahaa tahriibiye weyn oo dadka isaga kala gudbin jiray dalalka Suudaan, Kenya iyo Liibiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON