Ma-gafeyaal Soomaali ah oo dadka tahriibin jiray ayaa laga soo dejiyay maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lagu qabtay dalka Koonfurta Suudaan.
Saddex qof ayaa maanta la keenay Muqdisho iyadoo ninkii madaxda u ahaa ee C/qaadir Cumar Cabdulle hore looga soo dejiyay Muqdisho kadib markii lagu qabtay magaalada Jubba ee Koofurta Suudaan.
Saddexda ma-gafe ee maanta laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho waxay kaal yihiin:
1 – Ceydaruus C/llaahi Naxar
2- C/raxmaan Maxamuud Socdaal
3- Liibaan Cabdullaahi Xuseen
Waxaa soo qabashadooda iska kaashaday ciidamada Booliska Koofurta Suudaan iyo Booliska Adduunka ee Interpol, waxayna ka mid ahaayeen koox isku xiran dadka u tahriibiya dalka Liibiya, halkaasoo ay uga sii gudbi jireen Talyaaniga.