Sunday, July 13, 2025

“Ma jirto muddo kordhin marka xilliga dowladda Federaalka dhammaado” Qodobada War-murtiyeedka Shirkii Hiigsiga cusub

Shirkii labada maalmood uga socday magaalada Muqdisho dowlada Federaalka, maamulada dalka ka jira iyo wakiilada beesha caalamka oo ay wehliyaan hay’adaha caalamiga ah ee adduunka ayaa lasoo gabagabeeyay galabta iyadoo laga soo saaray 37 qodob oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

hiigsiga

Qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mida  37 qodob waxaan goobta shirka ka akhriyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye Cumar.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la taageero maamul goboleedka Galmudug iyo Golaheeda Baarlamaanka, dib u dhiska hay’adaha dowlada iyo dar dar gelinta gudiga doorashooyinka dalka.

Arrimaha shirka lagu gaaray oo aan idin soo koobnay waxay kala ahaayeen: 

  1. Dhameystirka Federaalka, dardargelinta howlaha Wasaaradaha dowlada u xilsaaranyihiin, sii wadida dhameystirka howlaha qabsoomay iyo dib u habeynta Garsoorka,
  2. Dib u eegista dastuurka, iyadoo loo marayo hab sharciyeysan oo federal ah loona wada dhan yahay
  3. Sii wadista dagaalka ka dhanka argagaxisada ee ay wadaan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM iyadoo la dardar gelin doono qorshaha wadajirka ah ee labada ciidan .
  4. Dardar gelinta dhaqaalaha iyo kaalmada caalamiga ah iyadoo la marsiinayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya, lana tixraacayo sharcigii 1989-kii, kabista dhaqaalaha, dowlad wanaaga, iyo maamul baahinta
  5. Dib u eegsita, waxayaabihii u qabsoomay dowladda
  6. In ahmiyad gaar ah la siiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yeman kasoo qaxay loona helo  dib u dejin
  7. Waxaa la garwaaqsaday inaysan duruuftu Soomaaliya ka jirta saamaxeyn in  1 qof iyo hal cod loo dareero, taas  bedelkeedana ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka balaaran tii hore u soo martay  dalka.
  8. Ma jiri doonto muddo kordhin marka uu dhamaado waqtiga Dowladda federaalka ah  ee ku eg  sanadka 2016.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON