Waxaa maalmihii ugu danbeeyay saxaafaddu hadal heysay shirka wasiirada arrimaha dibadda dalalka IGAD ee berito oo ku beegan 10-ka Janaayo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Shirkan oo shaki la’aan ah markii ugu horeysay ee caasimada Soomaaliya marti geliso wuxuu magac ahaan sharaf u yahay dowladda Soomaaliyeed iyo magaalada Muqdisho, wuxuuna noqon doonaa mid taariikhda gala.
Inkastoo shirku kusoo aaday iyadoo Soomaaliya aanay lahayn xukuumad rasmi ah, haddana inuu shirkaasi ka dhaco Muqdisho waxaa ku lamaansan arrimo kale oo dhibaatooyin ah qiime sarena ugu kacay ugu yaraan dadka Muqdisho ku nool.

Boqolaal Ganacsi ayaa u xirmay shirkan dartii, waxaana loo xiray wadooyin halbowle u ahaa isu socodka magaalada oo ay ka mid tahay wadada Maka Almukarama, dad badan oo ku noolaa dhaqdhaqaaqa jidadkaasi ayaa shaqo la’aan soo wajahday muddo 72 saac ka badan, lama qiyaasi karo dhibaatada wado xirista uu keenay shirka IGAD. Magaalada bartamaheeda ilaa garoonka waxay isu bedeleen magaalada aakhiraad “Ghost city” lagu arkayo oo kaliya dad lugeynaya iyo gaadiid ciidan oo is dhaafaya, micnuhu magaaladii kala barkeed waxaa nolosheedii naafeeyay shirka IGAD.
Dhinaca kale waxaa shirka lagu qabanayaa Hotelka lagu magacaabo SYL, hotelkan oo deeq ka timid dowlad shisheeye lagu dayac tiray, wuxuu ahaa hanti qaran oo dagaalku ku dhacay iyadoo dhismihiisu gabagabo yahay 1990-kii. Hotelkan waxaa lahaa ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu waday inay shirarkooda ku qabsadaan.
Sida la ogyahay hotelkan SYL waxaa markii deeq dowladda Soomaaliya la siiyay uu ku dayac tiray maamulka Gobolka Banaadir xiligii Maxamed Nuur Tarsan, lagu wareejiyay wasaaradii Warfaafinta iyo Dalxiiska xukuumadii uu hogaaminayay Cabdi Shirdoon Saacid. laakiin waxaa nasiib darro noqotay in hantidaas qaran la siiyay shaqsiyaad gaar ah oo Saacid xiriir dhow la lahaa.
Shaqsiyaadkaas ayaa maanta hanti kale gashaday oo ka dhigtay il ganacsi oo ay leeyihiin iyadoo aan waxba la iska weydiin ayaa laga yaabaa inay dad badani markii muuqaalkiisa ay arkaan ku farxaan quruxda Hotelkani iyo magaca uu wato laakiin waxaa ku hoos duugan calool xumo la dhihi karo wuxuu Hotelkani astaan u yahay “MUSUQA IYO KU TAKI FALKA HANTIDA QARANKA” ee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed caadada u noqotay inay ku sifoobaan inta yar ee ay xil umadeed hayaan.
Goobjooge.com
Muqdisho