Monday, July 14, 2025

Maalqabeenka Ruushka ee Roman Abramovich oo la Sumeeyay iyo Xaaladiisa Caafimaad

Faahfaahin dheeraad ah aayaa kasoo baxeysa xaaladda maalqabeenka Ruushka ah ee Roman Abramovich oo la xaqiijiyey in lagu sumeeyay caasimadda Ukraine oo uu tegay maalmo ka hor.

Afhayeenka maalqabeenkan Ruushka oo leh Naadiga caanka ah ee Chelsea iyo hanti badan oo kale ayaa la sumeeyay horaantii bishan kaddib markii uu tegay dalka Ukraine, iasgoo ka qayb galay wadaxaajood nabadeed oo uu la yeeshay ergo ka socotay dalka Ukraine.

Abramovich ayaa la sheegay in lagu arkay calaamado indhaha oo guduutay iyo qeybo ka mida jirkooda oo isbedelay, laakiin ay hadda xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana uu sii wadi doono ka qayb galidda wadahadallada nabadda.

Lama oga cidda beegsatay kooxda uu ka mi dahaa Abramovich, laakiin Wargeyska Wall Street Journal ayaa qoray in saddex ruux oo ka qayb gashay wadaxaajoodka ka dhacay magaalada Kyiv ay indhaha ka guduuteen, illin xanuun badanna ay ka socotay maalmo, Sidoo kale uu ku dhacay cuncun iyo dub ka dhac maqaarka wajiga iyo gacmah.

Abramovich wxaaa Waanwaanta ku wehliyay ganacsade kale oo u dhashay Ruushka iyy xildhibaan kasoo jeeda Crimea oo lagu magacaabo Rustem Umerov. Saddexda qof oo kulankaas uga qayb galay magaalada Kyiv intii u dhaxeysay 3-dii ilaa 4-tii bishan March ayaa lagu arkay calaamaaha sunta ka dhalata hubka kiimikada.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo la kulmay Abramovich ayaan isku arkin wax calaamado sun ah. Abramovich waxa uu ka mid yahay toddobo maalqabeen oo dowladda UK ay cunaqabateyn saartay bishan March, iyadoo tallaabadaas ay daba socotay dagaalka Ukraine.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON