Madaxda Dowlad goboleedyada Dalka ayaa War-murtiyeed si wadajira u soo saareen uga hadlay shirka ay isugu imaanayaan magaalada Dhuusamareeb, kaasoo u gaara madaxda shanta maamul Goboleed ee dalka.
Shirkaan ayaa dhici doona9-ka bisha July oo ku beegan Khamiista soo socota, waxaana War-murtiyeedkooda lauu xusay in shirka looga hadli doono arrimaha masiiriga ah ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.
Waa shirkii ugu horeeyay ee Maamul Goboleedyada ay yeeshaan tan iyo intii uu khilaafka soo kala dhex galay dowladda Federaalka, waxayna ka baaqsadeen shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee 5-8-da July 2020.
HOOS KA AKHRISO
