Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo bilaabayo qorshihii maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee hakadka galay. Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay inay dardar gelinayaan howlaha maamul u sameynta labada gobol.
Guddigii farsamada maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayuu sheegay in tiro ahaan la isku waafaqay oo ay harsan tahay in beelaha dega labada gobol ay xubnihii la siiyay soo magcaabaan. “Guddiga farsamada waa guddi madax bannaan oo ka imaanaya dad degan labada gobol, waxaa la isku raacay tirada guddiga, waxa xigi doona in la magacaabo dadka guddigan ka mid noqonaya” ayuu yiri Agaasimaha.
Wuxuu intaas ku daray agaasimaha in Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha guda oo safar ugu maqan dibadda marka ay soo laabtaan ay howsha dhismaha maamulka labada gobol ay dib u bilaaban doonto.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]