Maamulka Ahlu suna ayaa si kulul u beeniyay warar la isla dhex marayay labadii maalmood ee ugu danbeysay oo sheegayay in la xiray madaxweynaha Ahlu suna ee Gobolada dhexe Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.
Mas’uul Ahlu suna uga hadlay Dhuusamareeb ayaa saxaafada u sheegay inay been abuur tahay wararka la faafiyay ee ku saabsan xariga madaxweynahooda wuxuuna cadeeyay inuu ku sugan yahay Dhuusamareeb oo dadkiisa la ciiday soona saaray hambalyadii ciidul fitriga ee Sabtidii laga ciiday degaanada Ahlu suna.
Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay sharciga keento dadkii faafiyay wararka been abuurka ah ee ku saabsan madaxweynaha Sheekh Shaakir.
Hore ayay qaar kamida warbaahinta u shaaciyeen warka xariga Sheekh Shaakir oo ay sheegeen inay ciidamo itoobiyaan ah xabsi geliyeen, iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]