Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta daah furay barnaamij loogu magacdaray hab xisaabeedka Cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo dawladda Hoose ee Xamar.
Waxaa ka soo qayb galay Safiiro, xubno ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Hanti dhowraha guud, ku xigeenka madaxa Bankiga dhaxe iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, waxaana si wayn looga dooday faa’iidooyinka laga dhaxli karo in bulshada loo soo bandhigo waxqabadka Dawladda.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ujeedka kulan kan uu yahay sidii loo bari lahaa shacabka Muqdisho in ay ogaadeen dakhliga soo gala gobolka iyo goobaha lagu kharash gareeyo, uguna kalsoonaadaan dawladooda, ka dibna ay uga qayb qaataan shaqada qaranka. Ganacsatada iyo bulshada kalana ay u bixiso canshuurta ku waajibtay iyagoo dareensan waxyaabaha loogu qabanayo.
“Waa Markii ugu horeesay 25-sano ka dib oo la qabto Barnaamijka Maareynta Maaliyadda Ee Gobolka Benaadir, waxaana u jeedku yahay in aan la nimaano Hannaan dhaqaale oo hufan” ayuu yiri Thaabit Cabdi Maxamed oo halkaas ka hadlay.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo isna xafladda ka hadlay ayaa isna si wayn u amaanay madaxdii soo qaban qaabisay kulan ka isla xisaabtanka furan ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay ka qaybgalka barnaamijkan kaa soo lagu soo bandhigayay dakhliga soo gala gobolka iyo meelaha lagu bixiyo, si shacabka loogu sheego adeegyada loogu qabto miisaaniyad lacageedka gobolka Banaadir. Wuxuuna tilmaamay in uu yahay mid ku dayasho mudan.
“Barnaamij kan wuxuu ka turjumayaa in bulshada gobolka Banaadir loo cadeeyo dakhliga soo gala maamulka, sidoo kalena waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho” ayuu yiri ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.