Monday, July 14, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo hakiyay Ceymiskii Qasabka ahaa ee lagu soo rogay Gaadiidleya Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hakiyay Canshuur qaab ceymis ah la doonayay in lagu soo rogo oo ay ka hor yimaadeen gaadiidleyda magaalada Muqdisho.

Shir xalay  ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ay yeesheen Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga ayaa markii uu soo dhammaaday kadib  la shaaciyay in la hakiyay Ceymiskii qasabka ahaa ee lagu soo rogay Gaadiidka dadweynaha.

takafulAfhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa saxaafadda u sheegay in la hakiyay Howlihii Ceymiska Gaadiidka, lana aqbalay codsiga Gaadiidley, laakiin wax faahfaahin ah kama bixin arrintan.

Gobolka Banaadir ayaa noqday halka dadka Muqdisho loo soo maro si xilligan kala guurka ah loo dadka looga qaado lacago magacyo kala duwan ah leh oo shirkado gaar loo leeyahay ay ku qaadayaan magaca dowladda.

Shirkadda Takaful ee gaarka loo leeyahay ayaa maamulka Gobolka Banaadir heshiis kula gashay qorshaha ceymiska gaadiidka Gobolka Banaadir, waxaana arrintan sharci darro ku tilmaamay hanti dhowrka iyo Garyaqaanka guud ee dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON