Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay olole ka bilaabnaya magaalada Muqdisho oo ku saabsan bilicda caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ololahan ku dhawaaqay ayaa ku baaqay in laga wada qeyb qaato ololaha la doonayo in caasimadda looga dhigo mid nadiif ah oo cagaaran.
“Caasimadda aan mustaqbalka hiigsaneyno waa mid nadiif ah. Maanta waxaan ku dhawaaqnay olole nadaafaddeed oo aan ka wada shaqeyn doono..” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u shaaciyay ololaha nadaafadda ee ka bilaabanaya magaalada.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xafladii 15-ka May uga dhawaaqay olole uu isagu bilaabi doono in laga sameeyo magaalada Muqdisho, wuxuuna kadigay qashinka faraha badan ee dhooban caasimadda.
Roobabkii dhowaan ka da’ay gobolka Banaadir ayaa xaaladda uga sii daray, waxaana wadooyinka xiro dhiiqo, iyadoo bohollo waaweyn ay ka sameeyeen wadooyinka.
Goobjooge.com