Wednesday, June 25, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Danjire Cali America u diiday inuu galo magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee  Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan ee jooga   Kontoroolka laga soo galo Magaalada  dhinaca Matabaan ay u diideen Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya in uu galo Magaalada Beledweyne.

cali-ameriko

Safiirka America  ayaa ka yimid degmada Matabaan waxaana ciidamada Hiiraan  raacsan la sheegay inay u diideen inay  fasaxaan  si uu gudaha ugu galo Magaalada Baledweyne. Amarka lagu  hos istaagay Maxamed Cali America ayaa la sheegay inuu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo hada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa dib ugu laabtay degmada Matabaan oo ay gacanta ku hayaan Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe markii uu ku guul darreystay inuu ka gudbo isbaarada maamulka Hiiraan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya muddooyinkan socdaal ku marayay goboladda Dalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira. Lamana oga sababta maamulka Hiiraan u hor istaagay Danjire nabadeed oo dalka soo maray.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON