Maamulka Hirshabeelle ayaa xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda maamulkasai ugu baaqay inay u istaagaan difaaca xuquuqda maamulkaasi.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa xubnaha labada Gole ee dowladda Federaalka looga dalbaday inay u istaagaan furitaanka ilaha dhaqaalaha ee Hirshabeelle.
Wasiirkan ayaa sheega in dowlada federalka hortaagan tahay in Hirshabeele furato dekedaha iyo garoomaheeda diyaaradeed iyadoo maamulada kale loo ogol yahay inay heshiisyo horumarineed la galaan dalal shisheeye sida Puntland.
Senator Muu Suudi ayaa dhowaan ka dhawaajiyay dhibaato iyo cadaalad darro ay dowladda Federaalka ku heyso maamulka Hirshabeelle.