Maamulka kumeel gaar ka ah ee Jubbaland ayaa cambaareeyay mooshin ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ka keeneen maamulkaasi oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo xaqdarro lagu dhisay baarlamaanka Jubba iyo dastuurka iyo heshiiskii Addis abab oo ay jebiyeen.
Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee maamulka Jubba C/qaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa si caro leh u sheegay inaysan waxba ka jirin eedaynta u jeediyeen maamulkooda qaar kamid ah Baarlamaanka Dowladda federaalka, wuxuuuna amar ku siiyay guddoomiyaha Baarlamaanka inuu joojiyo mooshinkaasi, isagoo ku eedeeyay xildhibaanada mooshinka wada inay doonayaan qas ay ka dhex abuuraan dadka Gobolada Jubooyinka.

“Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari waxaan ugu baaqayaa inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo mooshinka laga geeyay Jubba, raali gelin halaga bixiyo mooshinka daneystayaasha ay keeneen ee Guddoomiye jawaari yiri waa qeybiyay, waa in degdeg raali gelin laga bixiyo, haddaanu ka bixin waan ka fiirsaneynaa wada shaqeynta aan la leenahay dowladda Federaalka, raali gelin cad ayaan sugeynaa, haddaan laga bixin wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa u sabab ah” ayuu yiri Suldaan Lugadheerre oo caro xoog lihi ka muuqatay.
Hoos ka dhageyso hadalka madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba
Mooshinka oo dhowaan loo qeybiyay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in doodiisa ay toddobaadkan ka bilaabto baarlamaanka, waxaana jira xildhibaanno badan oo taageersan mooshinka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee kooxda Axmed Madoobe ka hadasho mooshinka ka yaala.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]