Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada la geeyay Baydhabo uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed.
“Waa jirtaa in Ciidamo Boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada Baydhabo, kuwa kale oo badanna waxaan rajeyneynaa in la keeno…” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay oo warbaahintaa la hadlay.
Wasiirka Xasan Eelay ayaa ku dooday in Al-Shabaab ay doonayaan inay qas ku abuuraan Doorashada Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamada la keenay magaalada Baydhaba ay gacan ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.
Xildhibaano ka soo jeeda K/Galbeed ayaa ka hor yimid ciidamada dowladda federaalka ay geysay magaalada Baydhaba, waxayna ku baaqeen in dib loo celiyo, halka guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu sheegay in Baydhaba aysan u baahneyn ciidamo csuub oo la geeyo oo ay joogaan cidamo ku filan.
Wasiirka Amniga K/Galbeed aya maalmo ka hor loogu yeeray magaalada Muqdisho, iyadoo uu la kulmay madaxda dowladda, taasoo keentay in la dejiyo qorshaha ciidamada Booliska Soomaaliya ee gaarka ah lagu geynayo magaalada Baydhaba.