Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu sii xoogeystay iyadoo xildhibaano cusub ay ku biireen.
Ololeyaal la tuhunsan yahay inay hoos ka wado xukuumadda Soomaaliya iyo lacago gaaray xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa keenay inay xaaladda kasii darto iyadoo xildhibaannada saxiixay mooshinka xil ka qaadista Shariif Xasan ay sare u dhaafeen 80 xildhibaan.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay maanta inuu tallaabo ka qaadaya siyaasiyiin uu sheegay inay qas ka wadaan magaalada Baydhaba, waxaana ciidamada Amniga lagu amray inay soo qabtaan dadka Mucaaraadka ku ah maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelaay ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka kasoo horjeeda maamulka ee shirarka ku qabta Magaalada Baydhabo.
DHAGEYSO WASIIR EELAAY