Ciidamada Amniga ee Jowhar ayaa xabsiga dhigay laba weriye oo ka howlgla magaaladaasi oo lagu eedeeyay inay aflagaado kula kaceen maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Weriyeyaasha C/shakuur Shaashaa iyo C/raxmaan Xuseen oo u shaqeeya Idaacadda City ee Magaalada Jowhar xarunteedu tahay ayay ciidamadu xireen, sida ay xaqiijiyeen maamulka Idaacadaasi.
Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Shabellaha Dhexe C/kariin Cumar Macalin Aaloos ayaa xaqiijiyay xariga weriyeyaasha, wuxuuna sheegay in loo xiray Warar Af-lagaado ah oo ay ka faafiyeen maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wuxuu sheegau in labada weriye ay Maxkamad soo taagi doonaan, laguna qaadi doono dembi uu sheegay inay ka galeen maamulka Shabeelaha Dhexe.
Goobjooge.com