Wednesday, June 25, 2025

Maamulka Universal TV oo war ka soo saaray xariga xaruntooda Muqdisho & Weriyeyaasha

Maamulka Tv-ga Universal, ayaa ka hadlay xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay labo Suxufi oo ka tirsan Tv-ga xaruntiisa Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la xiray xarunta Tv-ga uu ka howlgalo ee Magaalada Muqdisho.

Cagmadhige

Maxamed Axmed Xaaji Axmed (Cagmadhige) madaxa Wararka Tv-ga Universal, ayaa sheegay labada Wariye ee kala ah Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimaha Tv-ga Qaybta Bariga Afrika C/laahi Xersi Kulmiye in looga yeeray Xarunta Nabad Suggida ee Magaalada Muqdisho, xilligaasna loo sheegay in su’aalo la weydiinaayo. Iyadoo ay taasi ay jirto ayaa mar qura la waayay xiriirka taleefoonada ee labadan suxufi, waxaana markii dambe la ogaaday in la xiray labada Suxufi.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Somaliya oo wata saddex gaadiidka dagaalka ayaa la geeyay Xarunta Tv-ga halkaasi oo baaritaan ay ka sameeyeen, kadibna ay joojiyeen dhamaan shaqadii Tv-ga xafiiskana ay xireen.

Maxamed Axmed Xaaji Axmed (Cagmadhige) madaxa Wararka Tv-ga Universal, ayaa xariga Wariyeyaasha ku tilmaamay ficilkii ugu dambeeyay ee Dowladda Somaliya ay ku kacday, iyadoo Dowladda ay sameyn kartay wado kale.

Sababta ka dambeysay Xariga Wariyeyaasha ayaa wuxuu sheegay Cagmadhige inay tahay Barnaamij Dood Wadaag ah oo Tv-ga Universal ka baxay 30-kii Bishii dhamaatay, Barnaamijkaasi oo lagu marti qaaday Xildhibaano Dowladda Somaliya si kulul u weeraray.

DHAGEYSO CAG-MADHIGE

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON