Maamulka xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii ay u geeriyootay haweeney maxbuus ahayd oo lagu magacaabi jiray Deeqo Diraac.
Haweneyday ayaa ayaa xukuneyd 15-sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii ay ka qeyb qaatay kiis lagu dilay gabar Jaamiyad ah sanadkii 2014, Waxaana la sheegay inay qabtay xanuunka Kaadi-macaanka.
Haweeneyday ayaa saaka ku geeriyootay Isbitaal ku yaala Xabsiga dhexe ee Xamar, Sida uu sheegay taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe General Maxamed Sheekh Cumar oo caddeeyay in mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaala xabsiga dhexe.
Taliyaha ayaa sheegay inay inay la tacaaleen xaaladeeda caafimaad, isla markaana loo keenay dhaqaatiir ka kala socday Isbitaalka Keydsaney iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Xabsiga dhexe, baaritaan kadibna la xaqiijiyey inay qabtay xanuunka Macaanka.
Goobjooge.com