Waxaa goor dhow la shaaciyay in la magacaabay Maareyayaasha Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Maareerayaasha Dekadda iyo Garoonka Muqdisho iyo taliye ku xigeenka NISA.
Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa loo magacaabay wakiilkii hore ee EU-da magaalada Muqdisho ninka lagu magacaabo Axmed Maxamed Washington, waxaana sidoo kale Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isna loo magacaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle (Jaalle) oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelada Dhexe iyo madaxii ololaha doorashada Farmaajo.
Labadan nin ayaa ka soo jeeda beelaha Muqdisho ee Galmaax iyadoo doonayay in la siiyo xilka guddoomiyaha Gobolka, waxaase iminka la isugu daray laba xil oo ilaha dhaqaalaha magaalada ugu waaweyn.
Dhinaca kale waxaa Taliye kuxigeenka NISA loo magacaabay C/fataax Ibrahin Shaaweeye oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA, ayna isku jufo yihiin Ra’iisal wasaaraha.
Magacaabiddan ayaa ka mid ahayd isbedel xiriir ah oo maanta saameyn ku yeeshay taliyeyaasha ciidamada dalka, guddoomiyaha Gobolka iyo ila dhaqaalaha Gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya ayaa maamusha gobolka Banaadir, waana midka kaliya ee ay ku tiirsan tahay, isla markaana xilalkiisa magacawdo.
Goobjooge.com