Sunday, June 22, 2025

Madasha Mucaaradka oo ka jawaabtay Gogosha uu dhigay Xasan Sheekh iyo Shuruudda ku xiran

Madasha Samatabixinta Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war-saxaafadeed jawaab kasoo saartay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ee furmeysa 15-ka bishan June.

Qoraal kasoo baxay Madasha Mucaaradka ayaa lagu soo dhoweeyay baaqa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse waxay ka qeybgalka gogosha  ku xireen shuruudo dhowr ah.

Ad

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay soo dhoweyneysaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay, kuna muddeeyay 15-ka Juun, 2025,” ayaa lagu bilaabay qoraalka Madasha Mucaaradka.

Waxay Qoraalkoosa ku caddeeyeen in si looga mira dhaliyo gogoshan, xalna looga gaaro hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha murugsan ee dalku ku jiro, ay madashu ku baaqeyso qodobbada soo socda:

  1. In gogoshu noqoto mid wadahadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah.
  2. In ay noqoto gogol loo dhan yahay oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan madada dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
  3. In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga wada hadlayo gogosha.

Lama oga in Madaxweyne Xasan Sheekh aqbali doono shuruudaha Madasha Samatabixinta ka yimid, waxayna Madashu ku adkeysatay inay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo horseeda midnimo Qaran.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON