Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaaka noqotay go’aankii ay ugu magacaabay madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe inuu hay’addaasi caalamiga ah u noqdo safiir sharafeed.
Magacaabistan ayuu soo saaray isbuucii hore madaxa cusub Dr Tedros Adhanom oo uga dhawaaqay shir uu ka qeyb galayay madax uu ka mid yahay Robert Mugabe oo ka dhacayay dalka Uruguay.
Madaxa Hay’adda WHO oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya ayaa go’aankaasi kadib si weyn loogu cambaareeyay tallaabada uu qaaday, iyadoo dalalka reer galbeedka iyo kuwa ugu waaweyn caalamka ee taageera WHO ay ku hanjabeen inay taageerada kala noqonayaan Hay’adda, waxayna weji gabax iyo muran ka dhex dhalisay madaxda hay’adaasi.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda WHO oo lagu faafiyay boggeeda internetka ayaa lagu caddeeyay in magacaabis sharafeedkii Robert Mugabe dib looga noqday, isla markaana meesha laga saaray, waxaana ka horeysay iyadoo uu Dr. Tedros ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu haatan dib uga fakarayo qaabkii uu ku magacaabay Madaxweyne Mugabe,.
Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo ah 92 sano jir muddo dheer xukumayay dalkiisa ayaa loo arkaa nin la degay dalkaasi oo ka mida kuwa ugu faqrisan caalamka, waxayna arrintan noqotay mid weji gabax ku keentay madaxa cusub ee WHO oo ka soo jeeda Afrika.