Madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ka hadlay mowqifkooda shirka wadatashiga ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay rajo weyn ka qabaan shirka iyo waxa kasoo bixi doona.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka shirka iyo inay Puntland ahaan kala shaqeynayaan Soomaalida kale la wadaagaan in hiigsiga cusub guul ku dhammaado.
[blockquote style=”1″]”Waxaan ugu faraxsanahay inaan kasoo qeyb galno madasha furitaanka wadatashiga Soomaaliyeed, Puntland waxay diyaar u tahay inay saaxiibada Soomaalida kala shaqeyno dowladnimo Soomaaliyeed oo wanaagsan. C/WELI GAAS[/blockquote]
[blockquote style=”2″]Waxaan aaminsanahay haddii la wadahadlo xal la gaari karo farqi kasta oo noo dhaxeeya, haddii shaki jiray in dadka qaar la dhuumanayeen qorshaha 2016, hadda madashan ayaa meesha ka saareysa: C/KARIIN GUULEED[/blockquote]
[blockquote style=”3″]”Xalka dhabta ah ee 2016 wuxuu ku jiraa innaga oo saraaxad leh uga doodno wixii damac ah ee aan qabno oo dhan inagoo daacad ka ah nin waliba maxaa Soomaali dan u ah aan ka hadalno” AXMED MADOOBE[/blockquote]
[blockquote style=”4″]Waxaan qabaa in arrinta si saraaxad leh looga hadlo, waxaan diyaar u nahay maamulkeena Koonfur Galbeed wixii lagu heshiiyo oo si dimqraadiyad iyo isbedel lagu gaaro”SHARIIF XASAN[/blockquote]
DHAGEYSO
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]