Tuesday, June 24, 2025

Madaxda dowlada Federaalka oo hambalyada Ciidul Adxaa & farriimo ciida u diray shacabka

Madaxda dowladda Federaalka ayaa hambalyo u diray shacabka Soomalaiyeed munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed, waxayna baaqyo u jeediyay dadka Soomaaliyeed oo ay u rajeeyeen inay ciidan teeda kale ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

saddaxdam

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciidul Adxa awgeed, waxaana uuna ku booriyay in ay is cafiyaan. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan fadliga leh awgood loo baahan yahay in la caawiyo dadka danta yar isla markaana laga farxiyo si dadka kale ula qeybsadaan farxadda ciida.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa dhankiisa waxaa uu hambalyo u direy dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Adxa awgeed, isagoo sheegay in dadka muslimiinta ah guud ahaan u rajeynayo ciid mubaarak.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) wuxuu isna hambalyeeyay umadda muslimka ah iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda  ciidul Adxa awgeed, wuxuuna ku booriyay in ay is gacan qabtaan oo loo kaalmeeyo dadka masaakiinta ah. Mudane Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligan la joogo ay ka dhamaanayso is aaminaad la’aantii muddo ka dhex jirtay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON