Wednesday, June 25, 2025

Madaxda dowladda oo Salaada Janaasada ku tukaday ciidamo ku dhintya Qaraxii Hotel SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeyb-galay salaadii Janaasada ciidmado ka tirsan ciimadda qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku shahiiday qaraxii shalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Allaah uga baryey inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay islamarkaana caafimaad deg deh ah siiyo dadka dhaawaca ah.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelladdii qarabadii dadkii shacabka iyo ciidamadda isugu jiray ee ku shahiiday qaraxii cadawgu ka geystay Muqdisho , Allah ha u naxariisto inta dhimatay kuwa dhaawaca ahna Allah ha caafiyo. Cadowga ummadda dhibaatadda la daba taagan ee sida naxariis daradda ah kula dhaqmaya, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa idin ka guuleysan doonaa “ ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay daryeeleyso qoysaska ay ka tageen ciidamadda qaraxii shalay ku shahiiday iyaga oo difaacaya Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda islamarkaana ay bixineyso deymaha lagu leeyahay

JanaasoJanaaso1Janaaso2—Dhammaad–

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON