Tuesday, June 24, 2025

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo wadajir u cambaareeyay Qarixii Hotel SYL

Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay qarixii maanta ka dhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa wadajir ah u cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Hotel SYL iyo Iridka hore ee Madaxtooyada Qarank, sida ay soo werisay SONNA.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada Dadkii ku dhintay qaraxii maanta, waxaana inta ku dhaawacantay ay Alle uga baryeen in uu bogsiiyo.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay Ciidamada naftooda u haray difaaca shacabka iyo dadkii ka ag-dhowaa goobta uu falka ka dhacay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON