Madaxda dalalka IGAD ayaa maanta yeeshay shir ku saabsan halista cudurka COVID-19 iyo sida ay isaga kaashan lahaayeen dalalkaasi, isuna dhaafsan lahaayeen khibradda iyo qalabka ka hortagga cudurka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa Madaxdi dalalka IGAD shirka degdegga ka qeyb galay iyagoo ku wada xiriiray khadka internet-ka si muuqaal ah (Video-conference) , waxayna ka arrinsanyeen khatarta cudurka iyo sida qorshe mideysan ay u yeelan lahaayeen dalalka IGAD.
Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.
Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Coronavirus, iyadoo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan.
Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalka Gobolka.
Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxda kala ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu, waxaana ka maqnaa Madaxweynah Eritrea.




