Thursday, June 26, 2025

Madaxda ka qeyb galeysa caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ku qulquleysa

Iyadoo maalinta Beri ay magaalada Cadaado lagu caleemo saari doono madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa magaaladaasi ku sii qulqulaya madax kala duwan oo ka qeyb galeysa munaasabadda caleemo saarkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xildhibaanada maamulkaasi oo Muqdisho u joogay seminaar Baarlamaanka Soomaaliya u furay ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadaado si ay xaflada caleemo saarka uga qeyb galaan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Axmed Cali Kadiye iyo xubno kale ayaa iyaguna gaaray  Cadaado. Wafdi uu horkacayo  madaxwaynaha Khatumo Cali KHaliif Galayr ayaa isna  galabta ka degay  magaalada Cadaado.

Cadaado02

Cadaado03

Wufuud kale oo madaxweynaha Soomaaliya ka mid yahay ayaa lagu wadaa inay Beri tagaan magaalada Cadaado, waxaa kaloo xaflada caleemo saarka madaxweynaha Galmudug ka qeyb galaya wakiilada Beesha caalamka iyo madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON