Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa isugu tegaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku yeelan doonaan shir ay uga horjeedaan dowladda Federaalka kuna taageerayaan qaraarkii Golaha Ammaanka Q/Midoobay ee Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle ay ku sugan yihiin dalka Kenya, waxaana kusii jeeda madaxweynaha Puntland oo ka tegaya Imaaraadka iyo Madaxweynaha Galmudug oo maanta la filayo inuu u dhoofo magaalada Nairobi.
Ujeedada shirka Nairobi ee madaxda maamul Goboleedyada ayaa ah sidii ay ula kulmi lahaayeen Wakiilada Beesha caalamka, iyagoo gaarsiinaya go’aankooda ah inay hakiyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo soo dhoweynta Qaraarkii Golaha Amniga ee arrimaha Soomaaliya, waxaana codsigooda ka mida sidii Qorshe kala guur (Road Map) loogu sameyn lahaa Soomaaliya 2020.
Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa hore usoo saaray inay hakiyeen xiriirkii wada-shaqeyn ee dowladda Federaalka, waxaana shirka ka maqan madaxweynaha K/Galbeed oo gacansaar la leh dowladda Federaalka.