Friday, June 27, 2025

Madaxda Shanta Maamul Goboleed oo shir uga furmay Xalane iyo arrimaha looga hadlayo oo la shaaciyey

Waxaa goor dhoweyd Hotel ku yaalla xarunta Xalane ka furmay shirkii labaad ee madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka yeelanayaan is-mari waaga ka taagan Arrimaha Doorashada.

Shirkan oo daba socda shirkii habeen hore yeesheen shanta madaxweyne ee maamul Goboleedyada ayaa lagu sii anba qaadayaa xal u helidda arrimaha la isku hayo ee Doorashada oo ay dhinacyada ka ballameen inay fadhiyo kale ka yeeshaan.

Shan-ta Madaxweyne ee Puntland Siciid C/llaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo KoonfurGalbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa shirkooda maanta uu yahay mid furan oo sawirro laga soo qaaday, kaasoo ka duwan kii ka horeeyay.

Kulanka maanta ayuu sheegay Madaxweyne Deni in looga arrinsanaya arrimaha Doorashada iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan inuu qabsoomo Shirkii loo balansanaa ee doorashada si dhameystirana looga qeybgalo.

May be an image of one or more people, people sitting, people standing, suit and indoor
May be an image of one or more people, people sitting, suit and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON