Monday, July 14, 2025

DAAWO SAWIRRO: Madaxda Soomaalida oo wadajir uga qeyb galay xuska 12-ka April

Munaasabad loogu dabaal degay 56 guuradii ka soo wareegtay dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa  maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah uga qeyb galeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn markii uu tegay xarunta Wasaaradda difaaca waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka ayaa goobta ku soo bandhigay gaaddo ka cayaar iyo dhoolatus ciidan oo ku aadan munaasadda 12-ka April, waxaana ay ciidamada wateen gaadiid dagaal.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay warbixin ka siiyay howlaha ciidanka xoogga dalka iyo guulaha ay soo hooyeen.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa hambalyo kadib waxa uu ka warbixiyay marxaladihii kala duwan ee ay soo mareen ciiidanka xoogga dalka, isagoo xusay inay joogteynayaan dib u dhiska ciidanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan muaasabadda 12-ka April u diray ciidanka xoogga dalka iyo xaasaskooda. Wuxuuna ka dalbaday Waalidiinta carruurtooda ay soo qaldeen Al-shabab, isla markaana lagu qabtay dagaalladii ka dhacay Puntland iyo Galmudug inay soo raadsadaan carruurtooda, ayna ka hortagaan in carruurtooda la qaldo oo loo adeegsado colaadaha.

Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay diblomaasiin ka socday dowladaha Soomaaliya ka caawiyay dib u dhiska ciidanka.

DAAWO SAWIRRO

Xoogg7

Xoogga1

Xoogga2

Xoogga3

Xoogga4

Xoogga5

Xoogga6

Xoogga7

Xoogga8

Xoogga9

Xoogga10

Xoogga11

Xoogga12

Xoogga13

Xoogga14

Xoogga15

Xoogga16

Xoogga17

Xoogga19

Xoogga20

Xoogga21

Xoogga22

xoogga23

xoogga24

xoogga25

xoogga27

Xoogga28

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON