Wednesday, June 25, 2025

Madaxda Uganda iyo Kenya oo ka hor yimid dagaalka Tigray iyo Jabuuti oo taageertay dowladda Itoobiya

Madaxda dalalka Geeska Afrika ayaa aragtiyo kala duwan ka qaatay dagaalka ka socda Gobolka Tigray ee u dhaxeeya ciidamada Itoobiyoa iyo Jabhadda Tigreega ee TPLF.

Madaxweynayaasha Uganda Yoweri Musaveni iyo Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Tigray, waxayna Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen Hassen oo booqday dalalkaasi u sheegeen inaan xal lagu gaari karin dagaal ee nabad iyo waanwaan lagu dhammeeyo khilaafka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ku adkeysanaya inuu soo afjarayo dagaalka Tigray ku xigeenkiisa u diray Musaveni iyo Uhuru Kenyatta si uu uu qanciyo inay taageeraan howlgalka uu ka wado Gobolka Tigray, laakiin waxaa muuqata inay ka hor yimaadeen.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Jabuuti ayaa lagu taageeray midnimada iyo Qaranimada Itoobiya, waxayna dowladda Jabuuti si buuxda u garab istaagtay Itoobiya, isla markaana ay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ay tahay dowladda sharciga ah ee metesha Itoobiya.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu la kulmay Gedu andargachew oo ah ergeya gaar ah oo ka socday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON