Sunday, July 13, 2025

Madaxii Alshabaab u qaabilsanaa Zakada & Maleeshiyo badan oo lagu qabtay Sh/Hoose.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen sarkaal sare oo ka tirsana dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasoo u qaabilsanaa Zakada iyo maleeshiyo badan oo la socotay.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Jen. C/xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu ahaa madaxii Sakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, ayna la socdeen 7 maleeshiyo.

Wuxuu intaas ku daray inay ciidamada dowladda isu dhiibeen maalmihii lasoo dhaafay dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab oo ka baxay ururkaasi, kadib howlgallo ay Gobolka SH/Hoose ka wadeen ciidamada dowladda markii ay qabsadeen degaanka Jannaale.

Dhowaan ayay ciidamada militeriga Soomaaliya kusoo bandhigeen degaanka Jannaale dhalinyaro ka baxday Al-Shabaab oo isu dhiibtay Ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON