Wednesday, June 25, 2025

Madaxtooyada Somaliya oo laga wado qorshe lagu soo xulayo xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada

Qorshe nooc cusub ah ayaa ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo lagu soo xulayo xubnaha ka mid noqonaya Golaha wasiirada xukuumada la filayo inuu soo dhiso Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali. Qorshahan oo uu hormuud u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga cabsi qabaa inuu waqti dheer qaato.

XAFLADII XIL WAREEJINTA RA'IISAL WASAARAHA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xildhibaanada Baarlamaanka u qaabilayo beel beel, iyo shaqsiyaad isagoo  kala doodaya jagada ay ka rabaan golaha wasiirada, kadibna ka dalbanaya inay xildhibaanada beel waliba ay la yimaadaan musharaxiintooda golaha wasiirada oo ilaa 4 xubnood ah, isaguna uu awood u leeyahay inuu qofkii uu doono ka xusho xubnahaasi.

Doodo kulul oo u badan xilalka golaha wasiirada oo beelahu kala dooranayaan ayaa qaatay waqti badan, waxaana dhibaato culus madaxweynuhu kasoo wajahday xildhibaanada isku beesha ah ee haddana kala qeybsan, kuwaasoo uu mid mid isugu dayay inuu ula hadlo, iskuna raacaan jagooyinka ay doonayaan iyo shaqsiyaadka ay u doonayaan.

Arrintan ayaa ka duwan sida uu madaxweynuhu uga hadlo saxaafadda isagoo sheega in Ra’iisal wasaaraha loo fududeeyo magacaabidda golaha wasiirada laakiin waxaa hadda muuqata inuu madaxweynuhu gacanta kula jiro, isagoo dadaal weyn ku bixinaya inuu meesha ka saaro isbaheysi ay lahaayeen xildhibaanno kasoo horjeeda oo hadda u muuqda inay beel ahaan ula shirayaan madaxweynaha.

Jagooyinka wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha ayaa sidoo kale la marsiinayaa qorshahan madaxtooyada soo hindistay, waxaana jira xildhibaanno badan oo ka hor yimid, si cadna ugu sheegay madaxweynaha inuu qaato shaqsiyaad cayiman iyo wasaarado cayiman.

Goobjooge.com
Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON