Monday, June 23, 2025

Madaxweyaha Galmudug oo si Dhoolatus ah loogu dhoweeyay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor ayaa saaka dib ugu so laabtay magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku sugnaa dalka Turkiga.

Qoorqoor ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Muqdisho, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, wasiiro xildhibaanno, maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyna kala duwan.

Soo dhoweynta Qoorqoor oo u muuqatay dhoolatus ayaa ka danbeysay markii warar badan laga faafiyey safarkiisa Turkiga oo xogtu sheegeyso inuu arrimo qoys u tegay dalka India, kadibna lagu waday inuu sii joogo Turkiga sid ay cadaadis ku saatay Madaxtooyada Soomaaliya, balse ugu danbeyn uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Ad

Beesha Caalamka ayaa qababqaabineysa shir xala looga gaarayo khilaafka Doorashada, kaasoo ay caqabad kasoo wajahday dhinaca Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka caga jiidaya shuruudaha ay wataan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and suit
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person and standing
May be an image of one or more people, people standing and outdoors
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON