Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyaha Zimbabre 93 sano jirka Robert Mugabe oo diidan inuu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa [Sawirro]

Madaxwayniha muddada dheer ka talinayay Zimbabwe Robert Mugabe ayaa la sheegay in uu diidan yahay in uu xilka ka dago, iyada oo ay jiraan baaqyada ku saabsan in uu is casilo.
Mugabe oo 93 ah ayaa xabsi guri laga dhigay ka dib markii militariga Zimbabwe ay awoodda dalkaasi la wareegeen Arbacadii. Ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay wadaxaajoodka ergada ka socota gobolka iyo madaxa ciidammada.

Waxaa la soo saaray sawirro muujinaya madaxwaynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo la kulmaya madaxa ciidammada iyo ergo ka socota dalka Koonfur Afrika, xilli uu xabsi guri ku jiro.

Sawiradan ayaa muujinaya Mugabe oo dhoola cadaynaya, wuxuuna u muuqdaa inuu xaalad daganaan ah ku jira, iyada oo ay jirto in militariga ay awoodda la wareegeen.

Hasa yeeshee warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in wadahadallada hormar laga sameeyay taasi oo ku saabsan in la gaaro heshiis horseedi kara in Mugabe uu xilka banneeyo.

Mr Mugabe in the meeting at State House in Harare

Ururka Midowga Afrika ayaa waxay sheegeen in ay ku kalsoon yihiin in wadaxaajoodyada ay noqon doonaan kuwa mira dhal ah.

Waxaa jira hindise dhigaya in Mugabi lagu baddalo madaxweyne ku xigeenkiisii hore ee uu shaqada ka cayriyay, Emmerson Mnangagwa islamarkaana hogaamiyaha mucaaradka, Morgan Tsvangirai uu u noqdo raii’sul wasaare.

Zimbabwean President Robert Mugabe under house arrest, posing alongside Zimbabwe Defence Forces Commander General Constantino Chiwenga, 16 November 2017

Hogaamiyayaasha gobolka ayaa sii xoojiyay dadaalka dhaxdhaxaadinta iyo wadaxaajoodka si xaaladda loo soo afjaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON