Wednesday, July 9, 2025

Madaxweye Xasan Sheekh oo socdaal kale ku jooga Dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar kale ugu baxay dibadda isagoo mar kale ka degay magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, waana markii 4-aad muddo aan ka badneyd laba bilood oo dalkasi uu booqdo.

Madaxweynaha ayaa magaalada Dubai uga qeybgalaya shirka Ganacsiga Caalamiga ah ee 2015 “Global Business Forum 2015″ oo ay qabanqaabisay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dubai,  wuxuuna maanta ka furmayaa magaaladan Dubai isla markaana socon doona muddo laba maalmood ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa  lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shikan  waxan madaxda lagu casuumay ka mida madaxweynaha dalka Ruwandaa Poul Kigame. Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Mahad Maxamed Salaad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuu ka qeyb galayo shir kasta oo ay suuragal tahay inuu tago, waxayna isaga iyo Ra’iisal wasaaraha ku tartamayaan safaradda dibadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON