Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha qeybta VIP-da ciyaartoyda 11-jirrada Soomaaliya ee ka qeyb galay tartankii da’ yarta dugsiyada carabta ee JEEM CUP oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Madaxweynaha oo safar ugu sii jeeday magaalada Beledweyne ayaa garoonka markii ay soo gaareen wiilashada da’ yar wuxuu kulan kula yeeshan qeybta martida ee garoonka isagoo sheeko iyo kaftan la wadaagay isla markaana maamuus ugu sameeyay, wuxuuna ku amaanay sidii ay magaca Soomaliyeed u muujiyeen.
Ciyaartoyda Da’da yar ayaan marna laga badin intii tartanka Jeem Cup uu socday, laakiin uma soo bixin wareega labaad, waxayna kasbadeen taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Goobjooge.com