Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dalalka deriska la ah Soomaaliya inay hub sharci darro ah siiyaan maamul Goboleedyada.
Isagoo hadlayay kadib kormeer uu ku tegay dekadda Ceel Macaan ee macmalka ah kuna taalla uleedka Muqdisho ayuu sheegay in dowladaha deriska ay si toos ah hub sharci darro ah u siiyaan Maamul Goboleedyada Dalka.
Wuxuu sheegay hubkaasi aysan dowladda dhexe ka warqabin, isla markaana u yahay sharci darro loogu talogalay in xasarad amaandarro lagu abuuro.
Wuxuu caddeeyay Madaxweyne Hirshabelle inuu indhihiisa uu ku arkay Hub fara Badan oo la siinaayo Mid kamid ah Dowladaha Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo inuu arrintaasi ka hortago.
Lama oga ujeedka uu madaxweyne Hirshabeelle u qarxiyay arrintan, waxaana laga yaabaa inay jawaab u tahay madaxweynaha Ahlu sunna ee Gobollada Dhexe oo taageero ka hela Itoobiya, kasoo dhowaan sheegay inuusan aqoonsaneyn maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Goobjooge.com