Tuesday, July 15, 2025

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo si rasmi hay’adaha ammaanka ugu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah maamulka Gobolka Banaadir ugu wareejiyay hay’adaha ammaanka ee Booliska iyo Nabdsugidda heer gobol kadib xaflad ka dhacday xarunta taliska Booliska ee Jen. Kaahiye.

Kulanka oo ay ku sugnaayeen taliyeyaasha booliska iyo nabadsugidda 17-ka degmo ee Muqdisho iyo kuwa Gobolka, wasaarada haAmniga iyo Arrimaha Gudaha, taliyeyaasha ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu madaxweynaha ka sheegay in sugidda ammaanka gobolka Banaadir lagu wareejiyay howlaha ammaanka caasimadda, tasoo uu sheegay inaysan macnaheeda ahayn in talisyada hay’adaha ammaanka meesha ka baxayaan.

Madaxweynaya ayaa caddeeyay in Talisyada ammaanka ay sidoodii u jiraaan uguna shaqeyn doonaan xarumahooda; balse talisyada heer Gobol iyo heer degmo ay hoos tegayaan Gobolka Banaadir, ujeedkuna yahay in la xoojiyo isku xirka dadka iyo maamulka gobolka iyo dardar gelinta sugidda ammaanka caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ina soo dhoweeyay tallaabadan isagoo sheegay in mas’uuliyad gaara iska saari doonaan sugidda ammaanka gobolka Banaadir, ayna ku dadaali doonaan sidii ay uga qaban lahaayeen kuwa dhibaatada ku haya shacabka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON