Saturday, June 28, 2025

Madaxweynaha Colombia oo ku guuleystay Billada Nabadda ee Nobel Peace Prize

Abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee sanadka 2016-ka ayaa la guddoonsiiyay madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos, isaga oo la sheegay in uu dadaal u galay soo afjaridda dagaalka dalkiisa ka socday in ka badan 50-sano.

Guddoomiyaha Guddiga Abaalmarintan ee dalka Norway Kaci Kullman Five, ayaa sheegtay in Mr Santos uu billaabay wadahadallo markii dambe horseeday heshiis nabadeed oo lala galay jabhadda FARC.

santos
Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos

Waxay sheegtay waloow inta badan codbixiyayaasha Colomiba ay diideen heshiiskaasi markii afti loo qaaday, haddana taa aysan la macna aheyn in hannaanka nabadda lagu raadinayay uu dhintay.

Waxay arrin muhiim ah ku tilmaantay in Mr Santos , uu hadda isugu yeeray dhammaan dhinacyada si ay uga qeyb qaataan wadahadallada si arrintan looga mira dhaliyo.

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON