Madaxweynaha cuusb ee maamulka dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxume Cumar (Cagjar) ayaa digniin culus kasoo saaray xaaladda ciidamada Liyu Police-ka degaankaasi oo warar badan laga faafiyey.
Wuxuu sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in la kala diray ciidamada Liyu Police, isla markaana aanay jirin wararka lagu doonayo in xiisad looga abuuro ciidamadaasi dhexdooda, oo ay yihiin ciidan meemul ee aanay ahayn ciidan shaqsi.
Wuxuu ku eedeeyay xubno ka mida maamulkii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya inay ka danbeeyeen warark suuqa la geliyay ee ku saabsan ciidamada Liyu Police-ka, isagoo ugu baaqay inay ciidamadaasi ka feejignaadaan ayna fuliyaan amarrada ka soo baxa Maamulka cusub ee deegaankaasi.
HOOS KA DHAGEYSO