Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha cusub ee DDSI oo xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Liyu Police & Taliye cusub oo la magacaabay

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Maamulka Soomaalida Itoobiya u magacaabay taliye cusub oo ay yeelanayaan ciidamada Liyu Police, iyadoo xilkii laga qaadaya taliyihii hore.

Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo saaray goor dhoweyd wareegto uu xilkii uga qaaday taliyhii hore ciidamada milateri Booliska Liyu Police C/raxmaan Laba-Go’le iyadoo xilkaasi loo magacaabay Maxamed Cabdi Mawsar.

“Waxaan Xilka qaadis ku sameyney Taliyaha Ciidanka Liyu Police Cabdiraxman Laba-Go’le arin la xiriirta xuquuqul insaanka darteed, Waxaan Xilka Taliyaha loo magacaabey Maxamed Cabdi Mawsar..” ayuu madaxweynaha KMG ah ee DDSI ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxaa kaloo soo baxaya magacaabid xilal kala duwan iyo mas’uuliyiin hore loo xil ka qaadis lagu sameeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON