Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Federaalka & Madaxweynayaasha Maamulada oo qodob muhiim ah isku heysta

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee dalka ka jira ayaa maanta kulan gaar ah oo albaabada u xiran yihiin ku leh xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

hiigsi

Shirkan ayaa arirmaha looga hadlayo waxaa ugu waaweyn arrinta hiigsiga cusub ee 2016 iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay dhismaha Golaha wasiirada cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo 24-ka saac ee soo socota.

Warar xogogaal ah oo Goobjooge.com ay heshay ayaa sheegaya inay wadajir u soo saari doonaan war-murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo mustaqbalka hiigsiga cusub.

[ad name=”HTML-4″]

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa ka cabanaya arrinta ku saabsan Qorshaha Hiigsiga cusub oo ay sheegeen aanay talo ku lahayn balse ay yihiin oo kaliya ka qeybgalayaal magacyadooda ku jiraan. Waxayna madaxweynaha Soomaaliya hordhigeen inay noqdaan hogaan ayna wax ka gaaraan Qorsheyaasha hiigsiga cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ku qanciyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada inay  la shaqeeyaan dowladiisa, wuxuuna ku doodayaa in Hiigsiga cusub ay tahay qorshe beesha caalamka dejisay oo la mida kii Road Map-kii ay fulisay xukuumaddii C/weli Gaas ee dalka in laga saaro Kumeelgaarka. Wuxuuna ka rajo qabaa in wixii fashil ah ee ku yimaada Hiigsiga cusub uu noqdo mid mas’uuliyadeeda ay wada qaadaan dowladda dhexe iyo maamulada Gobolada.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON