Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha Filibiin: “Obama waxaa laga dhalay haweeney sineysata..” [Obama oo qaadacay la-kulankiisa]

Madaxweynaha Mareykanka Bracak Obama ayaa joojiyay kulan u qorsheysnaa inuu la yeesho madaxweynaha Philippine Mr. Rodrigo Duterte.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii madaxweynaha Philippine uu ku tilmaamay Obama inuu yahay  wiil ay dhashay haweeney dhilo ah (jirkeeda ka ganacsata).

Madaxweynaha Philippine ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay Obama oo ahaa inuu kala hadli doono dilalka aan sharciga ahayn ee dalka Philippine loogu geysto dadka lagu eedeeyo daroogada.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu la kulmi doono madaxweynaha Koonfurta Kuuriya halkii ay qorsheysneyd inuu la kulmo madaxweynaha Philippine.

Philippine Mr. Rodrigo DuterteWar dhowaan uu soo saaray madaxweynaha Philippine Mr. Duarte ayaa looga cudurdaartay hadaladii kasoo yeeray isadoo sheegay inuu ka xun yahay inay ahaayeen hadallo loo qaatay weerar shaqsi ah.

Laba madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka Koonfur Bari Aasiya ee dhinaca dhaqaalaha (Association of Southeast Asian Nations (Asean) ee dalka Laos.

Intii aanu kasoo anababixin dalkiisa ayuu madaxweynaha Philippine Mr. Rodrigo Duterte wuxuu yiri: “Waan sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirto Daroogada, dad badan ayaa dhiman doona inta aan ka nadiifineyno wadooyinkeena waan wadi doonaa dagaalka qofka ugu danbeeya ee daroogiiste ah..” Wuxuuna intaas ku daray in Obama ay ku haboon tahay inuusan edeb darro ula imaan.

Waxaa la ogyahay tan iyo intii uu xilka qabtay ilaa June madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte in dalkaasi lagu dilay 2400 qof oo lagu tuhmay inay ku lug leeyihiin Daroogo.

Inkastoo shacbiyad weyn uu ku leeyahay gudaha dalkiisa arrinta ku saabsan dagaalka uu ku qaaday daroogada, haddana waxaa muuqata inay dhibaato weyn u keeneyso xiriirkii dalkiisa ee caalamka.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON