Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha & Gudoomiyaha Barlamanka oo ku heshiiyay qorshe lagu meel mariyo Mooshinka cusub

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan (Jawaari) ayaa ku heshiiyay qorshe dib loogu furayo kulankii Baarlamaanka ee socon waayay maalintii Taaladada 11 November 2014, kadib markii ay kulan gaara  ka yeesheen arrintaasi.

MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA
MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA

Labada nin ayaa isla qaatay in dib loo furo kulamadii Baarlamanka, si adagna looga hortago xildhibaannada taageersan Ra’iisal wasaaraha ee ka horjeeda mooshinka yaala, iyadoo la adeegsanayo ciidamo badan oo gudaha Baarlamaanka la geynayo, kuwaasoo qaarkood ay yihiin dhar cad loogu talo galay inay suurageliyaan qabsoomida shirka.

Xubnaha ugu cadcad taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha  ee horseedka ka ahaa buuqii shirkii hore ayaa la sheegay in dibadda looga saari doono Baarlamaanka, waxaana liiska magacyadooda diyaariyay xogheynta Baarlamaanka, waxaana lagu soo oogayaa dacwad anshax marin oo guddoomiyaha Baarlamaanku amri doono.

Lama oga sida xildhibaannada taageersan ra’iisal wasaaraha ay ka yeeli doonaan qorshahan oo ay ka war heleen xalay goor danbe, waxayna wararka ku dhowdhow sheegayaan inay qorshe kale u diyaarin doonaan dhinacooda.

Goobjooge.com
Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON