Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi oso baara falkii lagu laayey dhalinyarro dhakhaatiir caafimaad ahayd ee ka dhacay degaanka Gololley ee dagmada Balcad.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in falalka noocan oo kale ah looga bartay inay gaystaan argagixisada, balse uu magacaabay Guddi heer maamul Goboleed ah oo muddo Bil ah warbixin baaritaan sameyn doona, kuna keeni doona warbixin.
Guddiga la magacaabay ayaa waxa uu ka kooban yahay guddi is kugu jira heer wasiiro, xildhibaanka deegaankaasi ku matala Baarlamaanka Hirshabeelle iyo wasiirka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle.
Ciidamada falka lagu eedeeyay oo ah kuwa dowladda Federaalka oo aan hoos tegin Hirshabelle ayaan la ogeyn sida ay arrintan u wajihi doonaan Guddiga Hirshabelle magacawday, waxaana weli wax tallaabo ah qaadin Taliska Milateriga Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Frmaajo.

