Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo shaaciyey inuu awood ku heystay Madixii Sirdoonka Itoobiya

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ku eedeeyey madaxii Hay’adda sirdoonka Itoobiya, Getachew Assefa, inuu “cabsi galin iyo hanjabaad” ka waday deegannadooda.

Madaxweyne Cabdi Iley oo warbaahinta degaanka wareysi siiyay ayaa shaaciyey  in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayayba. Wuxuu madaxweynuhu sheegay in caqabad weyn uu ahaa madaxii hore ee hay’adda Sirdoonka dalka, Getachew Assefa ee dhawaan xilka laga qaaday.

“Muddadii dheereyd ee uu xilka soo hayey wuxuu deegaanka soomaalida Itoobiya ku hayey” ayuu yiri “faragelin aan geed loogu soo gabban oo weliba sharci darra ah”.

Wuxuu ku eedeeyey cabsi gelin, hanjabaad, khiyaano iyo qofka oo dambi uusan gelin uu dusha ka saaro, si ka baxsan mabaadii’da siyaasadeed ee xisbiga talada haya ee isaguna uu ka tirsanaa.

“Faragelintiisuna waxay gaartay heer uu shaqsiyaad madaxweynenimo u soo magacaabo oo ay xafiiska iigu yimaaddaan iyaga oo leh madaxweynenimo ayuu Getachew Assefa ii soo magacaabay” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in arrimahaas ay ku wargeliyeen xisbiga talada haya. Wuxuu ku eedeeyey in Addis Ababa uu ku uruurinayey shaqsiyaad uu sheegay inay deegaanka ka geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dil, dhac iyo mususqmaasuq.

“Waxaan aaminsanahay falalka dalka ka socda ee la rabo in lagu hakiyo isbeddelka dalka ka socda in ninka la yirahdo Getachew Assefa uu ka dambeyo”.

Getachew Assefa oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega, muddo badanna soo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya iyo nin awood badan ayaa dhowaan waxaa xilka ka qaaday bishi hore Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, iyadoo lagu beddelay Jeneraal Adem Mohammed oo ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada.

Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida oo loo heysto tacadiyo badan lagu eedeeyo inuu ka haray nidaamkii Tigreega ayaa isku dayaya inuu iska fogeeyo dhibaatooyinkii iyo tacadiyadii ka dhacay maamulkiisa, isagoo wixii uu halkaasi ka waday dusha u saaraya madaxii hore ee Sirdoonka Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON