Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in dad hor leh laga helay cudurka Coronavirus, isagoo khudbad goor dhoweyd u jeediyey shacabka dalkiisa.
Madaxweynaha Kenya ayaa khudbadiisa ku sheegay in markii qofkii ugu horeeyay laga helay cudurka Coronavirus dalka Kenya, la daba galay dhammaan dadkii ay xiriirka la yeelatay oo gaaraya 27 qof, laguna sameeyay baaritaan, isla markaana ay maanta heleen xaqiijin ah in laba qof oo kale ay cudurka qabaan.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in labada qof ee cudurka Coronavirus laga helay lagu karaantiilay goobta loogu talogalay ee Kenyatta National, wuxuuna intaas ku daray inay xaaladda caafimaad ee dadka uu soo ritay cudurka ay degan tahay, ayna xaaladooda la socdaan dhaqaatiirta.
Madaxweynaha Kenya ayaa shacabka dalkiisa kula taliyey inay qaataan tallooyinka caafimaad ee la siinayo ayna ka fogaadaan meelaha dadka u badan yihiin; wuxuuna ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo dowladiisa qaadeyso si looga dagaalamo cudurka COIVD-19.