Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho xilli uu socdo shirkii wadatashiga siyaasadda Soomaaliya ee hiigsiga cusub iyadoo shirkaasi meel xasaasi ah marayo.
Shariif Xasan oo ka qeyb galay furitaankii shirka ayaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu xajka uga qeyb galayo.
Wararka ayaa sheegaya inuu dhowr maalmood dib ugu dhigay safarkiisa si uu uga qeyb galo furitaanka shirka, isagoo sanadkan ka mida dadka gudanaya waajibaadka xajka. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa shirka Muqdisho u metelaya wasiiro ka tirsan maamulkiisa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]